Wararka
Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo gaaray Baydhabo.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo ah Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeyb galaya Sanad guurada 1aad Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Maxamed Xassan lafta gareen.
Doorashada madaxeynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Maxamed Xassan lafta gareen ayaa ka dhalatay tabashooyin badan oo ay qabeen qaar kamid ah beelaha dega Dowlad goboleedkaasi Koonfur Galbeed balse wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa ku guulaysatay xalinta khilaafkii ka dhashay doorashadaasi.