Wararka
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Amb. James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay wefti uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD.
Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka.
“Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka ay wadaqaateen weftiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta.