Wararka
Diyaarad siday Gargaar oo soo gaartay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray diyaarad sidda gurmad taas oo ay soo dirtay hay’adda qaxootiga addunka ee UMHCR.
Diyaaradaan ayaa siday gurmad loogu tala galay dadkii ay saameeyeen fatahadaha webiyada dalka.
Markii ay diyaarada kasoo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horeeyo wasiir howlaha guud, wasiir kuxigeenka wasaraadda gargaarka, wasiiru dowlaha xafiiska raysal wasaaraha iyo xubno kale kuwaas oo guddoomay gargaarka.