Wararka

Amb. James Swan oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wakiilka Gaarka ahee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Kismayo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland waxaana xubnaha wakiilka kamid ahaa Xubno kasocday Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha ee Kismayo waxaa loo sii gudbiyay Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo waxaana halkaasi ku qaabilay madaxweynaha ay doorashadiisa khilaafka ka jirta Jubbaland Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinaayay madaxweyna ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland iyo qaar kamid ah Golahiisi wasiirada.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimah ay kamid yihiin, Doorashooyinka 2020, Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedka Jubbaland, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyo Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.

Booqashada wafdigaan uu heerkiisa sareeyo ayaa kusoo aadeyso iyadoo uu madaxweynaha Jubbaland dalka Kenya ku maqnaa muddo 20 cisho ah isagoo intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah safiirada dowladaha Yurub u jooga Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda dowlada Kenya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seertay natiijadii kasoo baxday doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa ayna ku tilmaamtay in ay aheed doorasha baal marsan sharciga.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka asbuucaan ku casuumtay masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Gedo.Image may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 3 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close