Wararka
Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo Tababar ugu furmay Turkiga.

Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddigaasi Dr Maxamed Faarax Good ayaa maanta magaalada Ankara ugu bilowday tababar ku saabsan qaababka lagu qiimeeyo jaamacadaha.
Kadib marka Guddigaan la siiyo tababarkaan oo socon doona muddo 5 maalmood ah, ayaa waxaa ay qiimeyn ku samayn doonaan Jaamacadaha dalka si loo siiyo aqoonsi rasmi ah.
Tababarkaan ayaa waxaa bixinaya khubaro ka tirsan guddiga tacliinta sare ee turkiga (YOK). Dowlada Turkiga ayaa dowlada Soomaaliya ka caawiso Tababarada macalimiinta iyo waxbarashada heerka Jaamacadaha oo ay siiso arday Soomaaliyeed Sanadkasto.