Wararka
Shir weynaha seddexaad ee Haweenka ka tirsan Baarlamaanka dalka oo Muqdisho ka qabsoomay.

Shirweynahan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaannada iyo hawlwadeennada haweenka ah ee Golayaasha Xeerdejinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qabsoomida shirkaan ayaa waxaa gacan ka gaystay Mashruuca Gole-kaab oo ay taageerto Hay’adda SSF.
Haweenka Xildhibaanada ah ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa inta uu socda shirkaan waxaa ay kaga doodi doonaan caqabadaha hortaagan haweenka Soomaaliyeed iyo sida loogu yareen karo caqabadaha jiro.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sanator Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud eee qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa sidoo kale ka qayb galay shirkaan.