Wararka
Wasiirka difaaca dalka oo maanta hor tagay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Caadiga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya waxaana kulanka shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Abdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye kuxigeen 2aad Mahad Cabdalla Cawad.
Ajandayaasha kulanka maanta ayaa waxaa kamid ahaa Su,aal Oraaheed wasiirka Wasaaradda Difaaca waxaana wasiirka la waydiiyay suallo la xarriiro waxqabadka wasaaraadda Difaaca Dalka.
Wasiirka wasaaradda Difaaca xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed Amar Danbe ayaa waxaa kulanka ku wehlinaayay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Sareeya Guuto Odowaa Yuusuf Raage.