Wararka
Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) oo ka digay saamaynta ka dhilan karto cayayaanka ayaxa.

Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) wuxuu ka digayaa in haddii aan la qaadin tilaabooyin horey loo qaaday si loo xakameeyo cayayaanka duulaanka ah ee Ethopia iyo Soomaaliya, dhibaatada ka geystay ,cayayaanku wuxuu ku fidi doonaa wadamada kale ee Bariga Afrika, oo ay ku jiraan Jabuuti, Eritrea, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.
Hay’ada FAO ayaa shaaca ka qaaday in xawaareysi deg deg ah ay ugu galeen Desert Locust dhamaan gobolada dalka itoobiya taas oo durba keentay in khasaarooyin badan ay kudhacaan dhul daaqsimeed isla markaana ay khatar galisay maciishadii beeraleyda yar yar ee ku tiirsan dalagyada iyo xoolaha.
David Phiri, Xiriiriyaha hoosaadka FAO ee bariga Afrika ahna wakiilka midowga Afrika iyo guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika, ayaa ka digay in ayaxdu ay ka sii darayso xaalada cunno xumo ee ka jirta hoosaadka. Faafidiisu waxay horseedi kartaa hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beeraha, waxayna sii xumayn doontaa nabadgelyo darrida iyo nafaqo darrida ka jirta hoosaadka.
“Maaddaama cimiladu u muuqato mid ku habboon roodhida ayax, waxaa jira suuragal sare in ayaxdu sii socon doonto illaa iyo Maarso-Abril 2020, iyadoo ay suuragal tahay inuu ku faafo waddamada kale ee Bariga Afrika,” ayuu yidhi Phiri. “Haddii aan xakameyno faafitaanka, waxay si weyn saameyn ugu yeelan doontaa dadka iyo xoolaha qeybo badan oo hoosaadka ah, oo hoyga u ah 50 boqolkiiba dadka cunno la’aanta ah ee Afrika,” ayuu ka digay Phiri.
Ugu dambeyntiina wuxuu ka codsaday la-hawlgalayaasha horumarinta inay taageeraan dadaallada socda ee xukuumadaha qaran iyo hay’adaha ku habboon, oo ay ku jiraan Ururka ka sheqeeya ka hortaga masiibooyinka inay sare u qaadaan howlahooda si looga hortago musiibada imaan karta.