Wararka
Madaxweynaha dalka oo daahfuray qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose/dhexe.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada ee dugsiga hoose/dhexe oo tiradeedu dhantahay 1,040,000 (hal milyan iyo afartan kun oo buug) oo loogu tala galay in la gaarsiiyo arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barata 915 iskuul oo ku kala yaalla gobolada dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowlada uu hoggaamiyo ay ahmiyada koowaad siinayso kor u qaadista tayada waxbarashada dalka isagoo wasiirka waxbarashada ugu mahadceliyay dadaalka uu galiyay in lasoo saaro buugagtaan ay cadadkooda intaa la egyahay.
Wasiirka waxbarashada waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha JFS oo waxa uuna sheegay in kaalinta ugu weyn uu lahaa suurtagalnimada qeybinta manhajka oo soo socotay muddo 1 sano ah.
Madaxweyne Farmaajo daah furay qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo daah furay qeybinta buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka.https://youtu.be/EgU6HOJND6I
Posted by TUSMO TV on Saturday, 14 December 2019