Wararka
Madaxweynaha dalka ooo u hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed C/Lahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska oo xisbigiisa Conservatives-ka ku guulaysta kuraasta Aqlibiyada dalkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Ingiriiska ay xulufa dhaw latahay dowlada Soomaaliya ayna si dhaw ula shaqayn doonaan Ra’iisal wasaare Boris Johnson.
“waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisal wasaare Boris Johnson ee guusha xisbigiisa Conservatives-ka, Uk waa xulufada iyo saaxiibka Soomaliya, ka hogaamiya ahaan, waxaan rajaynaynaa inaan kala shaqayn doona Ra’iisal wasaaraha adkeynta xeriirka qotada dheer ee naga dhaxeeya” Ayuu madaxweynaha ku yiri Bartiisa twetter-ka.