Wararka
Boris Johnson oo ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi Britain. Guushaan ayaa Boris Johnson u ogolaanayso in uu soo gaba gabeeyo khilaaf siyaasadeed oo taagnaa seddex sano waxaa ayna u sahlaysaa in uu Britain asbuucyadaan ka saaro midowga Yurub.
Boris Johnson ayaa intii uu waday ololahiisa waxaa uu la kulmay Ururada ka arigti duwan kuwaas oo aan rabin in Ingiriiska uu ka baxo Midowga yurub waxaa uuna kala diray Baarlamaankii dalkaas.
Ra’iisal waasaaraha Britain oo Warbaahinta la hadlay guushiisa kadib ayaa u mahadceliyay dhamaan dadka reer England sida ay u kalsooni galiyeen waxaa uuna sheegay in ay ogyihiin waxa ay u doorten ayna tahay sidii uu Ingiriiska ugu saari lahaa Yurub inteeda kale.
“Dadka dalkaani waxa ay caawo nasiyeen Mandate. waxa ay noo siyeen Mandate-kaan sababtoo ah waxa ay naga doonayaan inaan samayno hal sheey, kaas oo aad wada garanaysaan, waxay naga doonayaan in Britain Yurub ka baxdo” Ayuu yiri Boris Johnson.