Wararka
Wasiirka waxbarashada oo kulan kula qaatay guddiga fulinta ee guddiga qaran ee waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka soomaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga fulinta ee guddiga qaran ee waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska.
Cabdullahi Goodax Barre, Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka soomaliya ayaa sheegay in ay soo idlaatay dhismaha guddi-hoosaadyada qeybahooda kala duwan. Waxa u rajeynayaa guddigan guul iyo in uu xaqiijiyo himlooyinkii loo yagleelay.
Guddigaan ayaa dhawaan waxaa magacaabay Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka soomaliya waxaa ayna si dhaw ula shaqayn doonaan hay’adaha u xil-saaran horumarinta waxbarashada sida UNESCO, ISESCO IYO ALESCO.