Wararka

Wasiir Bayle oo kulan la qaatay Amb. James Swan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdirahmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay yeeshay wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Christopher Swan.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in ay isaga iyo wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan ay kawada hadleen dib-u-habeynta iyo horumarka Maaliyadda Dalka iyadoo la adeegsanayo hanaanka #SMP4.

Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay wada shaqeynta iyo taageerada joogtada ah ee hey’ada ha Qaramada Midoobay ay la garab taagantahay Shacabka Soomaaliyeed.

“lan muhiim ah ayaan maanta X.Wasaaradda Maaliyadda kula yeeshay wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. #James_Christopher_Swan oo aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta iyo horumarka Maaliyadda Dalka iyadoo la adeegsanayo hanaanka #SMP4. waxaan ku faraxsanahay wada shaqeynta iyo taageerada joogtada ah ee hey’ada ha Qaramada Midoobay ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri wasiir Bayle.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and table

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close