Wararka
Heshiis laga gaaray arrimaha Galmudug.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ahlu sunna waljameeca ayaa ka heshiiyey tabashooyinkii jiray ee la xiiray dhismaha dowlada Goboleedka Galmudug.
war murtiyeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlusunna 20 (labaatan) Xildhibaan looga ogolaaday in laga siiyo Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug oo ka koobnaan doona 89 Xubnood.
Wasaaraddu ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in arrintaan la gaarey,kadib wada-hadallo u socday mudooyinkii la soo dhaafay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, iyada oo qodobka ugu wyen ay isku hayeen labada dhinac ay aheyd arrinta xulista Baarlamaanka iyo qoondada laga siinayo Ahlusunna.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda oo dhameystiran.