Wararka

Kulanka agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed oo lasoo gabagabeeyay.

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu soo gabagabeeyay kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Kulankaan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeeya Wasaaradaha dastuurka ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay aqoon iswaydaarsi ku saabsan maamulka iyo maaraynta, qorshaynta, wacyigalinta iyo latashiyada arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka June 2020 iyo tallaabooyinka muhiimka ee la qaadayo si loo gaaro yoolkaas iyo arrimo kale.Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, glassesImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, people eating, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and child

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close