Wararka
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo.

Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha ee Shaati gaduun waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin kasocotay dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlad Goboleedkaasi Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Asiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa ugu danbayn Wafdiga uu hogaaminaayo Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya kulan kula qaatay madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa kawada hadlay sidii ay Qaramada midoobe u sii xoojin laheed wadashaqaynta ay laleedahay dowlad goboleedkaasi iyo sidii ay taageero buuxda ugu gaysan lahayeen doorashooyinka Baarlamaanka dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.