Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo daahfuray Shirweynaha Arrimaha Faderalka iyo Xoojinta Nabadda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay Shirweynaha Arrimaha Faderalka, Xoojinta Nabadda iyo taaba gelinta Hanaanka Dimuqraadiyeynta.
Shirweynaha Arrimaha Faderalka iyo Xoojinta Nabadda iyo taaba gelinta Hanaanka Dimuqraadiyeynta waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, Isimada Gobalka Bari, maanulka Gobalka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso iyo qeybaha kale ee bulshada magaalada Boosaaso.
Wasiiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo shirka daahfuray ayaa sheegay in kulankaan oo socon doona muddo 3dhex cisho ah ay gaba gabadiisa kasoo bixidoonaan arrima wax tar u leh bulshada reer Puntland.