Wararka
Magaalada Doha oo lagu qabtay 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxaa maanta Magaalada Doha ee caasimada Dalka Qadar si Rasmi ah ugu furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuq maasuqa.
Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa isla shir-Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).
Shirkaan waxaa Soomaaliya ku matalaayay Xildhibaano kala matalaya Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyah Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
xildhibaanada ka kala socda dowladaha Caalamka ee kulankaan ka qayb galaayo ayaa inta ay ku sugan yihiin shirkaan waxaa ay Gorfeyn doonaan sida lagu yareen karo musuqa oo ah cudur dabar go’an ba’an u gaysta dhismaha dowladnimo.