Wararka
Hoggaamiyaha dalka Myanmar oo kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibada dalka Shiinaha

Hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibada dalka Shiinaha Wang Yi during kulankaas oo ka dhacay qasiga madaxtooyada dalkaasi Myanmar.
kulankaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi lagu wado in ay hor-tagto maxmacada Caddaalada adduunka kadib dil si wadareed loogu gaystay dad Muslimiin Rohingya ah.
dowlada Gambia oo waqooyiga qaarada Africa ah oo ay Muslimiin u badan yihiin ayaa dacad ka gudbisay Hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi. sidoo kale karyaqaanno kale ayaa cadaadis Buuxa ku saaraayo in Maxkamada caddaalada aduunka ay wax ka qabato tacaddiga ay kula kacday dadka Muslimiin-ta Rohingya ah.
Inkabadan 730,000 oo Muslim Rohingya ah ayaa ku bara kacay wadamada darsika la ah Myanmar sanadkii 2017-kii kadib markii ay ciidamada Militiriga dalkaasi ay si ula kac leh oo aan ka fiirsasho laheen ay u laayeen dadkaasi Muslimiin-ta Rohingya ah.