Wararka

wasiir Bayle oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ay ka wada hadleen arrimaha ciidamada.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelisay howsha dib u habeynta ciidamada xoogga dalka.

“Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close