Wararka

Tababar la xiriira Jinsiga iyo xuquuqul insaanka oo loo soo xiray Xubno ka tirsan Boliiska AMISOM .

Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .

Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaatooyinka loo geysto Carruurta.

Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haween ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.

Taliyaha Booliska AMISOM, Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Saraakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close