Wararka
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo dhagax dhiga Dhisme Cusub oo lagu siyaadinaayo Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo uu wehlinayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa si wada jir ah udhax dhigay Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Dhismaha cusub ee laga Dhagax dhigay wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ka kooban lix qol uu ku jiro hoolka shirarka waxaan kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Haayada UNDP, madaxda ka socotay Shirkada ku guuleystay dhismaha iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa ugu mahadceliyay cidkasto oo gacan ka gaysanayso fududeynta dhismahaan cusub isagoo dhanka kale shaqaalaha ku howlan shaqadaan kula dardaarmay in ay dar-dar galiyaan howsha.