Wararka
Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka u jooga Soomaaliya .

Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducalle Bayle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowlada Mareykanka u jooga Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
wasiirka ayaa sheegay in asaga iyo Ambassador Donald Yamamoto ay ka wada hadleenwadahadalnay hawlaha dib u habaynta Maaliyadeed ee dalka iyo horumarka laga sameeyay Barnaamijka deyn cafinta ee IMF ee ay hormuudka ka tahay Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu danbayn wasiir Bayle ayaa Tilmaamay inBarnaamijka deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowlada federaalka Soomaaliya.
“Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto. Waxaan ka wadahadalnay hawlaha dib u habaybta Maaliyadeed ee dalka iyo horumarka laga sameeyay Barnaamijka deyn cafinta #IMF ee ay hormuudka ka tahay Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Bayle.Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka u jooga Soomaaliya.