Wararka
Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Werner.
wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in uu wakiilka kala hadlay mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo sidii loo sii xoojin laheyn xariirka Wanaagsan ee ka dhaxeeyo wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF.
“Waxaan maanta kulan kula qaatay magaalada muqdisho wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya,mr Werner. Arimaha aan wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada. Iyo sidaan u sii xoojin laheyn xariirka Wanaagsan ee ka dhaxeeyo wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda UNICEF” ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.