Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka daaf furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaaya in ay helaan Ruqsada Nootaayanimada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, ayaa tilmaamay in Imtixaankaan uu ku soo aadaayo mudo 30 sano ah kadib in laga hirgaliyo si hufan oo loo siman yahay dalka. Wasiirka Wasaaradda ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga soo diyaariyay imtixaanka oo ka koobnaa ilaayo 3 hay-adood oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Maxkamada Racfaanka iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji, ayaa kula dar-daarmay, sharciyaqaanada nasiibka u helay in ay galaan Imtixaanka maanta, hadii ay ku guuleystaan ay masuuliyadda hantida umadda ay amaano ku tahay madaama ay dukumiintiyo muhiim ah ay u kala wareejinayan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna muhiim tahay ilaalinta bad-qabkooda in la ilaaliyo Laguna ilaaliyo sifo sharciga waafaqsan.Image may contain: 1 person, suit and textImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close