Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Aids-Ka Adduunka.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan 1-da December oo sanad kasto laga xusa caalamka.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay xuska maalintani Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PAC, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, shacabka caasimadda Garoowe, hay’addaha ka shaqeeya wacyi-gelinta Bulshada, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland soo saaridoonto xeerka xanuunkani.

“Maanta waa maalin weyn, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo, micnaha in la weyneeyo maalintani waa in cid kasta oo la nool lasiiyo mooral, Isla markaana is daaweeyaan, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay, waxaan u mahadcelinayaa taliye Bashiir oo bulshadiisa wacyi-geliyey, qabtayna shaqadii hay’addaha u xilsaaraa arrintan, cudurka Alle ayaa keena si uun buuna ku yimaadaa, waxaa ceeb ah in la faquuqo walaalaheen, waa in la fahansiiyaa in cudurkani yahay wax sahlan oo la daawayn-karo”.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ay dallacsiiyeen Kabtan Bashiir Cismaan Cawed kaas oo asbuucaan dhexdiisa ka sheegeeyay qiso cajiib ah taas oo ku saabsan sida uu ugu dhacay cudurkaan HIV-ka.
“Waxaan hortiina ka cadaynayaa in Kabtan Bashiir Cismaan Cawed aan u dalacsiinay GAASHAANLE, wuxuu ku mutaystay kartidiisa iyo bulshadiisa oo uu wacyi-geliyey” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 8 people, indoorImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 7 people, people sitting and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close