Wararka

Golaha Aqalka Sare oo maanta Akhrinta 2aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeeshay  kalfadhiga 6-aad Kulankiisa 16-aad oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa  Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka. Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare ayaa xildhibanada ka hor akhriyay warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Kulanka Golaha waxaa marti ku ahaa xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumada federaalka Soomaaliya  Prof..Abdullahi Sheikh Ali ,Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye),Bangiga dhexe.Image may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 2 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close