Wararka

Guddoomiyaha Maxkamada Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo kormeer ku tagay Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21 aad.

Gudoomiyaha Maxkamada Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Wafdi uu hogaaminayo oo iskuga jira saraakiil iyo garsooriyaal ayaa Booqasho ku Tagay Xerada Tababarka Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21 aad ee Xero Qaboowe.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute Godoomiyaha Maxkamada Derajada koowaad Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliya ayaa markuu Gaaray Xero qaboowe waxaa uu hadal u jeediyey Ciidamo halkaasi Tababar uga socda kuwaasi oo loo diyaarinayo Sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada dhexe ee Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Derajada koowaad Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in sababta madaxda qaranka ay uga soo laa laabanayaan Xero qaboowe aytahay Rajada ay ka qabaan Ciidamada halkaas ku xareysan iyo Baahida ay Soomaaliya u qabto askari wanaagsan.

Arrimaha kale ee Xasan Cali Nuur shuute ciidanka u sheegay ayaa aheyd sida ay shacabka Soomaaliyeed uga baahan yihiin askari ka difaaca kuwa isku diraya Bulshada,Burcada jidadka habeen iyo maalin u taagan dhaca umada Soomaaliyeed iyo la dagaalanka Al-shabaab.Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, sky, cloud, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and crowd

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close