Wararka
Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida oo xabsi daa’in ku xukuntay edeysanayaal Maxamuud Cabdi iyo Cali Dhubad.
Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun ciqaabeedka ruux doonaayay in uu isku qarxiyo munaasabad ay khudbad ka jeedinayeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedka Galmudug.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun kaga dhawaaqay Dhuusamareeb waxaa uuna sheegay in ragaan lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaan gaar ahaan qaybta Qaraxyada fulisa.
Raggaan lagu soo eedeeyay fal danbiyeedyadaas ayaa lagu kala Magacaabaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan iyo Cali Dhubad Nuure Siyaad, ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in iyadoo go’aanka maxkamadana uu akhriyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute kaas oo sheegay in cidii aan go’aanka ku qanacsaneen ay u furantahay racfaan.