Wararka

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta oo warsaxaafadeed kazoo saartay baaqashada Muxaadaradii uu sh. Umul jeedin lahaa Bari.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay sababtii loo joojiyay muxaadaro lagu waday in maalinimada bari oo ku began 24-ka bisha November  lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Muxaadaradaan oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka iyo sida looga hortgo”  ayaa waxaa qaban lahaa Sheeikh Maxamed Cabdi Umal hasayeeshee wasaaradda Awqaafta ayaa sheegtay in Sheekhu soo jeediyey asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo ayna wasaaradda ku raacday soo jeedintiisa.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Sheeikh Maxamed Cabdi Umal iyo Culimadii la socotay ugu mahadceliyay dadaaaladii ay ku caawiyeen shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.

Ugu danbayn wasaaradda Awqaafta ayaa sheegtay in ay diyaarinayso in ay qabato barnaamijyo Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka taas oo uu ka qayb qaadan doona Sheeikh Maxamed Cabdi Umal waxaana intaasi lagu daray in wasaaradda ay soo dhaweyn doonta dhamaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka.WAR-SAXAAFADEED-KA-SOO-BAXAY-WASAARADDA-AWQAAFTA-Last

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close