Wararka

(AKHRISO): War-murtiyeed laga soo saaray shir u dhaxeeyay wasaaradda maaliyadda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa galabta caasimada Kampala ee dalka Uganda lagu soo gaba-babeeyay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb-galeen wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo maamulka Gobolka Banadir.

Shirkaan oo uu shir guddoomiyay wasiirka maaliyadda Xukuumada federaalka ayaa waxaa looga hadlay sidii ay si wadajir ah u wada shaqayn lahaayeen wasaaradda maaliyadda dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Shirkaab ayaa soo bilaawday 18-kii bishaan waxaa uuna soo idlaaday maanta iyadoo ugu danbayntiina war-murtiyeed laga soo saaray waxyaabihii lagu heshiiyay muddadii uu socday kulanka.

Haddaba hoos ka akhriso war-murtiyeedka kazoo baxay wasaaradda maaliyadda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jiro.No photo description available.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close