Wararka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo war-saxaafadeed kasoo saartay cilmi-baarista ay samaysay Jaamacadda Belfast ee Northern Ireland.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay  soo saartay waxaa ay kaga hortimid cilmi-baarista ay samaysay Jaamacadda Belfast ee Northern Ireland, taas oo ku saabsanaynd in dalagyada dalka ay saameysay Sunta(Funguska) Aflatoksin ee leh raadka caafimaad darro.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in khuburro kasocotay wasaaradda Beeraha ay dul  istaageen qodobbada iyo falaanqeynta cilmi baaristan waxa ayna gabagabadii ay soo saareen qodobba ay kamid yihin:

1: Daraasaddu waxay ka hor imaanaysaa baaritaannadii Hay’adda Cuntada Adduunku ay ku samaysay dalagyada dalka 5tii sano ee u dambeysay.

2: Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) waxa ay baaritaanno joogto ah ku sameysaa suntan Aflatoksinka ka hor inta aan dalagyada laga soo iibsan beeralayda, iyadoo tusmo gallay ah oo laga soo qaado meelo kala duwan lagu soo sameeyo baaritaanno heer calami ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaradda Beeraha aysamaysay baaritaanno dhinacyada dalagyada dalka ka baxo sanaddadii 2015, 2016, 2017, 2018 iyo 2019, waxaa aynaintaasi ku dartay in natiijadaasi dhamaan ay sheegeen in heerka suntan Maykotoksinka ee gallayda Soomaaliya ay ka hooseyso midda khatarta keeni karta, ilaa hada galayda baaritaankaas lagu sameeyay ayaa lasheegay in ay gaarayso 12,500MT.

LINK HOOSE RIIX SI WAR-SAXAAFADEEDKA AAD U AKHRISATO.WARSAXAAFADEED-MoAI

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close