Wararka
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kale saxiixday heshiis Iskaashi oo dhanka waxbarashada ah.
![](https://www.tusmotv.so/wp-content/uploads/2019/11/EJVHyNUWoAA6dmH.jpg)
Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya C/lahi Godax Barre ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa dalka Qatar waxaa ayna kawada hadleen xojinta iskashiga labada dal ee dhinaca waxbarashada.
Sidoo kale wasiir C/lahi Godax Barre ayaa heshiis kale saxiixday wasiirka waxbarashada Dowlada Qatar kaas oo kusaab sanaa Iskaashi gundhig u noqon doona wada shaqeynta labada dal ee xaga waxbarashada & tacliinta Sare.
“Waxaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wasiirka waxbarashada ee dalka Qatar, waxaan ka wada hadalnay xojinta iskashiga labada dal ee dhinaca waxbarashada. Waxaan kala saxixanay heshiis Iskaashi oo gundhig u noqon doona wada shaqeynta labada dal ee xaga waxbarashada & tacliinta Sare” ayuu yiri wasiirka waxbarashada dalka.