Wararka
Duqa caasimada oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Mugdisho Omar Mohamud Mohamed Filish ayaa maanta aqalka dowlada hoose Xamar u qaabilay Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss. Doel.
Duqa caasimada iyo Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya ayaa kawada hadlay arima dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen iskaashiga Amniga Caasimadda iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka Banaadir.
“Madaxa sharciga ee hey’adda UNDP u qaabilsan arimaha Soomaliya Mss. Doel oo maanta aqalka dowlada hoose Xamar nagu soo booqatay ayaan kawada hadalnay arima dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen iskaashiga Amniga Caasimadda iyo fulinta adeegyo muhiim u ah bulshada degmooyinka gobolka Banaadir”. Ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Banadir.