Wararka

8-ruux oo ku geeriyooday roobkii xalay ka da’ay Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Wadajir C\raxmaan Maxamed Macalin ayaa kormeer qaatay dhowr saacadood waxa uu ku maray 4ta waax ee ay ka koobantahay degmadaasi si uu ugu kuurgalo saamneenta ka dhalatay roobkii xalay ka da’ay gudaha gooblka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku nafwayday roobkii xalay ka da’ay degmada wadajir halka 1 ruux kalana uu dhaawac soo gaaray gudoomiyaha ayaa booqday qoysaskii ay dhibaatada soo gaartay asagoona ka tacsiyeey.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu booqday kaamka Rajo ee ku taala degmada Wadajir halkaas oo uu kula kulmay dadka deegaanka kana xaalwareestay dhibaato ka soo gaartay roobkii xalay da’ay.

Qaar ka mid ah dadkii uu gudoomiyaha la kulmay ayaa faaah faahino ka bixiyay sida ay u saameeyeen roobka.

Gudoomiaya degmada wadajir oo ka jawaabaya cabshada dadwynaha ku nool kamka Rajo ee degmada Wadajir ayaa udiray gawaari si loogu hagaajiyo wadooyinka ay burburiyeen roobkii da’ay.

Gudoomiyaha degmada wadajir C\raxmaan Maxamed Macalin oo kormeerka ka dib la hadlay saxaafada ayaa ka warbixiyay kormeerkii ay maanta ku tageen 4ta waax ee ay ka koobantahay degmada Wadajir asagoona sheegay in marwaliba maamulkiisa uu ka damqanayo dhibaatda shacabka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close