Wararka
60 Sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii xariirka Diblomaasi ee Soomaliya iyo Shiinaha oo lagu qabtay.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare) ayaa ka qeyb galey xafladda 60 Sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii xariirka Diblomaasi ee Soomaliya iyo Shiinaha ayaa ugu horreyn xafladda ka sheegay Salaan uu uga wado Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.
Intaas ka dib wuxuu Guddoomiyuhu carrabka Ku dhuftey taariikhda dheer ee u dhaxeysa xiriirka labada dal wuxuuna tusaale u soo qaatay in 690 sano ka hor uu Siciid Of Muqdishu oo magaaladaan Muqdisho ka tagay uu gaarey dalka China kaas oo noqday qofkii ugu horreeyay oo Afrikan ah oo barta luuqada Mandiriinka ee Shiinaha looga hadlo ilaa iyo maanta Saciid of Mogadishu loo tixgeliyo inuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo African ah oo Safiir ka noqda China.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Magaaladaan Muqdisho oo aan halkan ku matalayo waxay diyaar u tahay in ay ka faaiideeysato khibradda dalweynaha Shiinaha.
Ugu danbeyn Guddomiye Cali-Yare ayaa hambalyada Sannad guurada daraadeed u rajeeyay in cilaaqaadka dibolomaasiyadeed ee labada dowladood ee China iyo Soomaaliya uu noqdo mid waara oo guuleeysta.