Wararka

4 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku dhinten dibad baxyada rabshadaha wato ee xalay ka dhacay Maraykanka.

52 ruux ayaa loo soo xiray dibad baxyo rabshado wato oo xalay ka dhacay xarunta Capitol oo lagu ansixinayay Joe Biden oo ah madaxweynaha dooran ee dalka Maraykanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska caasimada Washitong DC ayaa sheegay in dibad baxaasi ay ku dhinteen 4 ruux, hal ruux ayuu taliyuhu sheegay in uu u geeriyooday xabad soo gaartay halka seddexda kale ay u geriyoodeen ceriiriga Meesha ka jiray.

Taageero yaasha madaxweynaha Maraykanka  ee Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol ee magaalada Washington halkaas oo uu ka socday kulan labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka ku ansixinayeen madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

Xildhibaanada ayaa laga saaray dhismaha kadib markii hoolka ay la wareegeen taageerayaasha xisbiga Republican-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close