Wararka
sargaal katirsanaa xarakada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada ee ku sugan magaalada Garbahaarey.
Yuusuf Axmed Caddow, oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo, magaalada Garbahaarey.
Sida wakaalada wararka ee SONNA lagu daabacay Yuusuf Axmed Caddow ayaa ahaa sargaal katirsanaa xarakada Al-Shabaab una qaabilsanaa qeybta Qaraxyada.
Kahor intuusan isasoodhiibin Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu lasoo xiriiray Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Garbahaarey ee xaruunta Gobolka Gedo.