Wararka
Shir wada tashi oo ay yesheen wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleedyada oo ka furmay muqdisho.
Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug, iyo HirShabeelle oo hadallo kooban jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan kulankan, iyagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ballaaran dhex marta wasaaradaha heer dawlad-goboleed iyo heer federaalba.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay oo ay ugu waaweynaayeen ansixinta Sharciga Isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, soo-celinta Astaantii dotSO, soo-celinta xubinnimadii ITU iyo UPU, iyadoo hawlaha socda ay ugu waaweyn yihiin soo-nooleynta boostada, dib-u-dhiska machadka, isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, dajinta siyaasadda qaran ee isgaarsiinta qaranka iyo soo-celinta hantidii ma-guurtada ee Wasaaradda, iyo hawlo kale.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu soo bandhigi doonto qorshayaal wasaaraddu ku baahineyso hawlaheeda, lalana kaashanayo wasaaradaha heer dawlad-goboleed si adeegyada ay wasaaraddu bixiso ay u gaaraan dalka oo dhan.