Wararka
Banaanbax ka dhacay Magalada Garoowe
Banaanbax ka dhacay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugal, ayaa waxaa looga soo horjeedo falalka kufsiga ah ee kusoo batay deegaanada Puntland.
Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan casimada Garoowe oo u badan haween ayaa dhigay banaanbaxa, iyagoo Golaha xukuumadda Puntland ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka loo heysto falalka kufsiga la xiriira.
dibad baxyaasha ayaa sitay boorar ay ku qoron yihiin kufsaduhu qabiil maleh iyo cadaadald soo dahday waa cadaalad la waayay.