Wararka
wasiirka gaashaandhigga oo Ciidamo kumaandoos ah garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay.
Kudhawaad saddex boqol oo Ciidamo kumaandoos ah oo tababar ugu soo xirmay dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Askartan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga,taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada.
Dowlada Turkiga ayaa gacan ka siisa dowlada Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada,balse ciidamadan maanta ku soo laabtay Muqdisho ayaa ah kuwii ugu badnaa ee tababar kumaandoos ah ku soo qaata dalka Turkiga.
Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa waxa ay ku leedahay magaalada Muqdisho caasimada dalka dugsi lagu tababaro ciidamada iyadoo boqolaal askar ah ay tababar ku soo qaateen dugsiga tababarka Turkiga ee Muqdisho.