Wararka
Ciidamada liibiya oo heegan sare la galiyey.
Ciidamada ku sugan bariga dalka Liibiya ee daacadda u ah janaraalka fallaagada ah ee lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ayaa u ruuqaansanaya dhinaca galbeed, arrintaas ayaana sababtay in qeylo dhaan dhinaca amaanka ah laga soo saaro magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Waxaa heegan sare ku jira xoogagga dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu waji cusub yeesho.
Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa amar ku bixiyay in dhaqdhaqaaqyada si guud loola socdo, ciidamo xoog lehna lagu daadiyo waddooyinka soo gala magaalo madaxda.
Xaaladdan mar qura sida lama filaanka ah cirka isugu shareertay ayaa kusoo aadday safarka uu xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku tagay dalkaas, isagoo doonaya inuu heshiis kala dhex dhigo labada dhinac ee iska soo horjeeda.
Afhayeen u hadlay ciidamada fallaagada ah ee ku sugan dhinaca bari, oo lagu magacaabo Axmed Mismaari ayaa sheegay in xoogaggiisu ay dagaallo la galeen ciidamada cadawgooda ah ee fariisimaha ku leh koonfurta magaalada Tripoli.
Hase yeeshee, ma uusan caddeynin in ciidankoodu ay si toos ah ugu wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta dowladda laga aqoonsan yahay caalamka.
Janaraal Khaliifa Xaftar oo horay uga tirsanaa ciidamada qalabka sida ee dalkaas ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay taliska milatariga Liibiya oo uu sheegay inuu isagu madax u yahay.
Dhinacyada isku haya Liibiya ayaa dagaallamayay tan iyo sannadkii 2011-kii, xilligaasoo xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer maamulayay Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi.