Wararka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo u yeertay Safiirka Soomaaliya ee Switzerland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka.
Sababta Safiiradda loogu yeeray ayaa ah in ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.