Wararka
Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Kuwai.
Wafdi ka socda jamhuuriyadda Federalka Soomaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayna ku weheliyaan xoghayaha Xafiiska Ra”iisul wasaaraha iyo xubno ka kala socda wasaaradda Arrimaha dibadda iyo wasaaradda waxbarashada oo gaaray dalka Kuwait ayaa maanta la kulmay wasiirka waxbarahada iyo tacliinta sare ee dalka kuwiet.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray shirka caalamiga ah ee loo qaban doono Soomaliya dabayaaqada sannadkan iyo sidii shirkaasi loo hir gelin lahaa.
Sidoo kale,kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday sidii Dowladda Kuwait gacan uga geysan lahayd sare u qaadista iyo tayeynta Waxbarashada Soomaaliya.