Wararka
Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud oo guul taariikhi ah ka gaaray tartan cayaaraha Fudud oo lagu qabtay djabouti.

Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah ka soo gaaray tartan cayaaraha Fudud oo dalka Djibouti lagu qabtay, waxayna kala soo hoyden laba billadood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan.
Djibouti International Meeting oo ah Tartankan cayaaraha Fudud oo ay da’yar iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa qaranka Soomaaliya u matalaayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayey.
wafdiga cayaartoyda qaranka waxaa hogaaminayey Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku Xigeenka Xiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.
Tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen:
Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800 mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaana lagu abaalmariyay Biladda dahabka.Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka 1,500mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yarta orodka 800mtr ku tartamayey ayaa isna ka soo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.
Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhiggiisa aad u wanaagsanaa waxuuna soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36 isgaoo ku dhawaaday inuu biladda maarta hanto.Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa ku dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.
Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.
Cayaartoyda xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017-kii ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sarreeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah.