Wararka
15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar macallinimo ku qaadanaya dalka Qatar.

Illaa iyo 15 diblomaasi Soomaali ah oo ay ku jiraan seddex danjire oo heerkoodu sarreeyo, agaasime waaxeedyo iyo diblomaasiyiin kale ayaa maanta oo Talaado ah gaaray Magaalada Doha si ay ugu tababartaan xirfadda macallinimo ee ay barayaal kaga noqon doonaan Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo dib loo furay 02 December, 2019.
Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in diblomaasiyiintan Soomaalida ah ay muddo 10 cisho ku soo tababaran doonaan Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar si ay u bartaan hababka wax-baridda iyo agabka casriga ee la adeegsado, iyadoo la taabagelinayo waxyaabaha uu u baahan yahay manhajka qaran ee Machadka si loo helo qaabab wanaagsan oo lagula falgalo ardayda si loo diyaariyo jiil diblomaasi firfircoon oo wax ka qabta xaaladda gobolka iyo midda caalamiga ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo lagu wanaajinaayo xeriirka wasaaradda ay la leedahay wasaaradaha dhigeeda ah ee caalamka.