Wararka
Siciid Cabdi Muumin oo loo doortay uddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Waxaa uu tartan adeg maanta dhex maray Siciid Cabdi Muumin iyo Maryan Axmed Cali oo kuwada hardamay kursiga Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawlad goboleedka Puntland.
labadaan Musharax oo wareegii labaad kala helay min 31 cod ayaa wareega seddexaad waxaa ay guusha raacday Siciid Cabdi Muumin oo helay 34 Cod, halka Maryan Axmed Cali heshay 28 Cod.
Kadib markii ay soo idlaatay tartanka doorashada ayaa waxaa Maxkamadda sare ee Puntland u dhaariyeen xilka Siciid Cabdi Muumin.