Wararka
Minnesota oo laga soo dhaweyay Magaacabista Ra’iisal wasaaraha cusub.

Bulshada soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay Magaacabista Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalku yeelanayo Maxamed Xuseyn Rooble.
Qaar ka mid dadkaasi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in lala shaqeeyo R/Wasaaraha cusub,isla markaana la garab istaaago si uu waajibaadka Qaran ee loo idmaday u guuto.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka,waxa ay u rajeeyeen Maxamed Xuseyn Rooble in xilkaasi uu u guto si Soomaalinimo ah oo ay ku dheehan tahay daacadnimo