Wararka

wasaaradda caafimaadka oo soo saartay Habraaca Duulimaadyada iyo Taxadirka covid-19.

Iyadoo ay maanta si rasmi ah dib u furmeyn duulimaadyadii caalamiga ahaa ayaa haddana waxaa la adkeeyay oo waajib laga dhigay in dadka safarka ahi ay soo maraan xarumaha baaritaanada xanuunka COVID-19.

war-murtiyeed ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay soo saartay habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro cudur dilaaca COVID-19 si loo ilaaliyo fayo qabka bulshada loogana digtoonaado sahal u faafitaanka xanuunka COVID-19.

war-saxaafadeedka ay wasaaradda soo saartayna waxaa kamid ah in :

1.Wasaarada Caafimaadka waxay adkaynaysaa in la ilaaliyo fayodhowrka guud ee goobaha safarka iyadoo la qaadanayo tilmaamaha caafimaad ee kahortaga caabuqa COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalka jeermis dile.

2.Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Mask) si loo yareeyo faaifidda caabuqa COVID-19.

3.Waa in ay dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19 kana soo qaataan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (Negative COVID-19) ka hor 72 saacadood inta aysan safrin.

4.Xogta qof walba oo dhoofaya waxaa lagu diiwaan galin doonaa hanaanka xogta shaybaarka waxaana ladhigayaa nidaam laga hubiyo xogtiisa dhamaan garoomada laga dhoofo si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha cadeynta barista COVID-19 ee uu wato qofka safraya.

5.Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha kahortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo faya qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

6.Qof walba oo dhoofaya ama safraya waa inuu yimmado garoonka uu ka dhoofayo 3dex saacadood kahor duulimaadkiisa si u maro hubinta caafimaadka iyo amniga.

7.Waa in dadka imaanaya dalka guud ahaan ay iska soo baaraan xanuunka COVID-19 soona qaataan warqada cadaynta baarista ah oo soo baxday muddo 96 saacadood gudohood ah.

8.Musaafirka aan wadanin warqada cadaynta baaritaanka COVID-19 ee yimaado dalka waxa uu mari doonaa karantiil inta laga xaqijinayo caafimaadkiisa iyadoo lamarsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19.

9.Arimaha laxiriira kala badalka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu NV/2020/065 si ilaaliyo caafimaadka guud dalka, loona yareeyo culeyska Airport Adden Cadde International.

10.Dhamaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh arimaha hawlaha gegida diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha duulimaayada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah lagana taxadaro codurka COVID-19.

11.Wasaaradda caafimaadka waxey diyaar utahay in ay fududeeso helitaanka adeegga baarista COVID-19 iyadoo diyaarisay goobo loo asteeyay oo heesta ogolaanshiyaha sameynta barista iyo bixinta cadeymaha COVID-19 la’aan (Negative). Sida Hoos kucad .

Goobaha Loo diyaariyay Baaritaanka

1 Benaadir Muqdisho Shaybaaraka Dhexe ee Qaranka

2 Puntland Boosaaso Shaybaaraka Boosaaso

3 Garoowe Shaybaaraka Garoowe

4 Jubbland Kismaayo Shaybaaraka Kismaayo

5 Balad-Xaawo Shaybaaraka Balad-Xaawo

6 Koonfur Galbeed Baydhabo Shaybaaraka Baydhabo

7 Hirshabeelle Jawhar Shaybaaraka Jawhar

8 Galmudug Dusamareb Shaybaaraka Dusamareb

9 Soomaaliland Hargeysa Shaybaaraka Hargeysa

10 Soomaaliland Burco Shaybaaraka BurcoImage may contain: textImage may contain: text that says "walba dhoofaya ama safraya waa kahor garoonka imaanaya nwarqada cadaynta baarista hoofayo 3dex Musaafirka soobaday wadanin xanuunka 9soona 96saacadood gudohodah. cadaynta baaritaanka yimaado UNka UNGU Dhamaan Mogadishu) waxaa COVID-19 sumaddiisu NV/2020/065 nternational. 'addaha dowliga kushaqada shaqeeyaana arimahahawlaha duulimaayada diyaaradaha imaanayana baarista barista caafimaadka waxey diyaar iyadoo goobo fududeeso helitaanka (Negative). Puntland Garoowe Kismaayo Balad-Xaawo Baydhabo Hirshabeelle Galmudug Soomaaliland Soomaaliland Dusamareb Balad-Xaaw Shaybaarak Baydhabo Shaybaaraka Shaybaaraka Dusamareb ShaybaarakaHargeysa ShaybaarakaBurco adeegga Banadir Hospital, aeli"

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close