Wararka
Xaruma cusub oo xariga laga jaray.
Masuuliyiin uu hoggaaminaayo Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled Khadar ayaa maanta mar kale xariga ka jaray xaruma muhiim u ah dowlad federaalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaalle Bayle oo qayb ka ah Guddiga xaqab qaadabada maalinta xuriyada dalka oo ka qayb galay xarumaha maanta xariga laga jaray ayaa ka warbixiyay halka ay wax marayaan.
“Inagoo wali ku guda jirna Todobaadka Xuriyadda ayaa maanta waxaa markale inoo sooro galay in aan xarigga ka jarno Xarumo Dowladeed oo dhawaan dib-u-dhis lagu sameeyay. Waxa aan u mahadcelinayaa R/Wasaare ku-Xigeenka Xukumadda Mahdi Maxamed Guuled iyo xubnaha guddiga qabanqaabada Todobaadka Xuriyadda ee goobjoogga u ahaa howshii aan qabanay”. Ayuu yiri Wasiir Bayle.